Xiddigaha Real Madrid oo loo ballan qaaday abaalgud lacageed hadii ay libinta ka helaan Juventus….Imisa ayuu heli doonaa ciyaaryahankiiba?

14962436127689

(Madrid) 01 Juunyo 2017. Kulanka ka dhici doona Cardiff waxa ay Real Madrid isku dayyi doontaa ku guuleysiga koobkii 12-aad ee Europe, waxaase intaa u dheer abaalmarinno shaqsiyadeed.

Ma dhicin taariikhda inta uu jiray tartankan sida uu iminka u naqshadeysan yahay koox laba jeer oo is xigta qaaday, Real Madrid waxa ay u noqoneysaa in ay arintaas soo gunaanadan iyada oo La Liga-na hore u qaaday.

59 sano kahor ayaa ugu dambeeysay in ay qaado tartanka Europe laba jeer oo is xiga, dhiirigalintaas ku jirta waxaa u dheer in ay heli doonaan ciyaaryahanada lacago abaalgud ah.

Kabtan Ramos iyo xiddigaha kale ee waa weyn iyaga ayaa culeyska isa saaray oo dalbaday abaalmarinta taas oo ay kooxdu ka aqbashay.

Taasi waxa ay ahayd in kooxdu qaado laba koob oo hadii ay sidaas yeelan uu ciyaaryahankii helayo 1.5 million oo abaalgud ah.

Sanadkii hore kooxda waxa ay bixisay aduun dhan 32 million oo ay xiddigah, tababbareyaasha u heleen min 700,000 euros, ujeedka loo siiyey waxa ay ahayd in ay ku guuleysiga Champions League-ga iyo 100,000 euros oo dheeri ah hadii ay Barcelona ku garaacaa El Clasicco gegida Camp Nou.

Hadda waxa uu ciyaaryahankiiba heli doonaa 80 million hadii ay ka badiyaan  Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close