UEFA oo abaal marin siinaysa halyeey Francesco Totti

(Zurich) 01 Juun 2017 – UEFA ayaa ku dhawaaqday inay abaal marin siinayso halyeeyga AS Roma ee Francesco Totti gaar ahaan jaa’isada la yiraahdo UEFA President’s Award bisha Agoosto ee soo aaddan.

Kubad qaabeeyaha reer Talyaani ayaa Axaddii kulankii ugu dambeeyay u saftay kooxda Giallorossi, isagoo gadaal kasoo galay ciyaartii ay kooxdiisy ku xaqiijisay kaalinat 2-aad ee Serie A.

Maanta ayaase lagu dhawaaqay in jookarkii Roma la siin doono Abaalmarinta Madaxwaynaha UEFA, taasoo uu ku mutaystay guulihii uu gaarey guud ahaan iyo gaar ahaan daacadnimada uu u muujiyay kooxdiisa oo uu rubuc qarni u dheelayay.

Laacibiinta horay ugu guulaystay abaalmarintan waxaa ka mid ah Sir Bobby Robson iyo Johan Cruyff, iyo sidoo kale halyeeyada Talyaaniga ah ee Paolo Maldini iyo Gianni Rivera oo labuda Milan u dheeli jirey, kuwaasoo kala qaatay 2003 iyo 2011 sida ay u kala horreeyaan.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close