RASMI: Roberto Mancini oo loo gacan galiyay xilka tababaranimo ee Zenit

DBPA8JNXUAAhIG_

(Russia) 01 Juunyo 2017. Tababarihii hore ee kooxaha Man City iyo Inter Milan Roberto Mancini ayaa loo magacaabay xilka tababaranimo ee kooxda Zenit sida ay xaqiijisay kooxda reer Ruush.

Mircea Lucescu ayaa isaga tagay Zenit kaddib markii uu kaliya kooxda ku hogaamiyay kaalinta saddexaad ee horyaalka Russian Premier League.

Zenit ayaa iminka talada u dhiibatay Man City kaa oo horey ugu soo guuleystay Premier League iyo Serie A.

Macallinka reer Talyaani ayaa markii laga soo ceyriyay kooxda reer England 2013 ayaa wuxuu qabtay xilka naadiga Galatasaray ee dalka Turkiga uu kula soo guuleystay Turkish Cup dabadeedna wuxuu dib ugu soo laabtay Inter Milan sanadii 2014.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close