Radja Nainggolan oo maya yiri Inter iyo Chelsea

ناينجولان يحبط تشيلسي وإنتر

(Roma) 01 Juunyo 2017 Laacibka kooxda Roma ee Radja Nainggolan ayaa iska diidaya dalabyada uga imaanaya dhawr kooxood oo doonaya saxiixiisa.

Xiddiga reer Belgium ayaa lala xiriiriyay kooxaha Inter Milan iyo Chelsea, balse wuxuu sheegay inuu sii joogayo kooxdiisa Roma.

Tababarihii Roma ee Luciano Spalletti ayaa la filayaa in loo magacaabo tababaraha cusub ee Inter Milan, waxaana la saadaaliyay in Radja Nainggolan uu horay u raaci doono.

“Waxaan ku sii jeedaa inaan ku soo raaxaysto fasaxayga, waxaan doonayaa inaan joogo Roma, marar badan ayaan sidaas sheegay” ayuu yiri Radja Nainggolan.

“Chelsea ayaan horay u diiday, waxba kama ogi in Spalletti uu tababare u noqon doono Inter, xitaa hadii taasi ay dhacdo isaga ma raaci doono, waxaan sii joogi doonaa Roma”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close