Pirlo: Buffon wuu u qalmi doonaa Ballon d’Orka hadii Juve hanato Champions League-ga

pirlobuffon-cropped_1uk8bezovo2cw16a6eg84w0az4

(New York) 01 Juunyo 2017. Andrea Pirlo waxa uu aaminsanyahay in Gianluigi Buffon mudan yahay ku guuleysiga Ballon d’Or-ka hadii ay Juventus hanato Champions League-ga.

Buffon waxa uu rajeynayaa ku guuleysiga tartanka ugu weyn kooxaha qaaradda Yurub markii ugu horreeysay waayihiisa fiinaalaha ka dhici doona Cardiff sabtida.

Goolhayaha waxa uu waayo qurux badan la qaatay Juventus isaga oo sideed Serie A iyo tiro koobab kale ah la qaaday balse laba jeer ayuu fiinaalaha la yimi Champions League-ga.

Koox iyo dal wadaagiisii hore, Pirlo, waxa uu sheegay in Buffon noqonayo ku guuleyste u qalba Ballon d’Or-ka waa hadii Juve libin ka keento Principality Stadium.

“Sidaas ayaan qabaa. Markan waan u maleynayaa, waa sanadkii saxda ahaa,” ayuu u sheegay Corriere della Sera mar la weydiiyey hadii guusha Juve ay keeni karto Buffon in uu helo jaa’isada shaqsiyadeed.

Cristiano Ronal ama Lionel Messi midkood ayaaa ku guuleysanayey 9kii sano ee ugu dambeeyey, halka kaliya laacibkii hore ee Dynamo Moscow Lev Yashin uu ahaa goolwalaha qura eek u guuleystay.

Khadka dhexe ee New York City, Pirlo waxa uu rajeynayaa in Boffon ku guuleysto Champions League.

“Waan u faraxsanahay isaga iyada oo uu kol kale haysto fursad uu ku gaaro yoolkiisa ee uu mar walba raadin jiray,” ayuu yiri.

“Waan ku faraxi doonaa hadii uu ku guuleysto koobkan maxaa yeelay waxa uu cadeeyey in uu yahay mid ka mida kuwa ugu wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close