ODAY-ILMO AH: Baraha bulshada oo baalasha looga rifay barbaarka Franck Kessié + Sawirro

(Milano) 01 Juunyo 2017 – Waxaa shalay soo baxayay warar tibaaxaya in marka laga soo tago dhibaato yar oo kusoo baxday tijaabadii ee Franck Kessié in aysan arrintu caafimaad uun ahayn.

Warside la yiraahdo Afrique Presse ayaa qoray warar sheegaya in Franck Kessié uusan jirin da’da uu sheeganayo, balse taa bidaalkeeda uu dhashay 1-da Jannaayo 1991-kii, halka ay iminka u qoran tahay 19-ka Diseembar 1996.

Haddaba, waloow aan warkan weli la hubin, warbaahinta qaarna ay ku tilmaamayso mid ku tiri ku teen ah iyadoo CorSera uu sheegayo in la baarayo misna baraha bulshada ayaa budka la koray laacibka oo ay aad ugu maadsadeen iyagoo sheegaya inuu kiiskiisu la mid yahay midkii laacibkii Eriberto ama Lugiano ee reer Brazil.

b b2 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b10 b12

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close