Mourinho oo ogolaaday in la fasaxo Anthony Martial

Image result for martial and mourinho

(Manchester) 01 Juunyo 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ogolaaday in la fasaxo weerar yahankiisa Anthony Martial.

Laacibka reer France ayaa ku soo biiray Manchester United waqtigii tababare Van Gaal, balse wuxuu ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababaraha reer Portugal.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay diyaar u tahay inay dhawrto sharciga dhaqaale wanaaga ee kooxaha yurub, iyada oo iibinaysa qaar kamid ah ciyaartoydeeda si ay u soo iibsato kuwo kale.

Tababare Jose ayaana ogolaaday in Anthony Martial lagu daro ciyaartoyda ka tagaya kooxda suuqaan xaggaaga, si kooxdu ay ula soo wareegto Griezmann.

United ayaa Anthony Martial kula soo wareegtay 58 milyan oo Ginni xaggaagii 2015.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close