Garoonka Juventus oo magaca laga beddelayo + Sawirro

(Torino) 01 Juunyo 2017 – Kooxda Juventus ayaa magaca ka bidili doonta garoonkeeda Juventus Stadium kaasoo lagu magacaabo doono Allianz Stadium wixii loo gaaro 1-da Luulyo.

Kooxda Juventus ayaa raadinaysay sharikad ay ka iibiso xuquuq magac bixinta garoonka si ay u dhinto kharashkii ka galay garoonka, iyadoo 6-dii kal-ciyaareed ee uu dhisnaa uu garoonku sitey magaca Juventus Stadium, balse haatan ayaa sponsor loo helay.

“Wixii ka bilowda 1-da Luulyo 2017, waxaa garoonka loogu yeeri doonaa Allianz Stadium of Turin muddo 6 sano ah ilaa laga gaarayo Juun 30 2023, isagoo ku biiraya qooyska Allianz oo la sameeyay 2005 kaasoo ay ka mid yihiin garoonka Munich ee Allianz Arena, midka Sydney ee Allianz Stadium, midka London ku yaalla ee Allianz Park, midka Nice ee Allianz Riviera, midka Allianz Parque ee Sao Paulo iyo Allianz Stadion oo ku yaalla Vienna.

b1 b2 b4 b5 b6 b7 b8 b8 b9

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close