Cristiano Ronaldo oo murqihiisa soo bandhigay ka hor final ka Champions League

crrr

(Madrid) 01 Juunyo 2017. Real Madrid ayaa sabtida noqon kareysa kooxdii ugu horreysay ebid ee ku guuleysata Champions League labo jeer oo is xigta haddii ay garaacdo Juventus, Cristiano Ronaldo ayaana iska hubinaya inuu xaalad fiican ku jiro ka hor kulanka.

Boggiisa Instagram ayuu soo dhigay sawir uu murqihiisa ku muujinayo mar uu tababar ku dhex sameynayay gurigiisa.

“Taabashooyinkii ugu dambeeyay,” Ronaldo ayaa qormadaasi soo raaciyay sawirka uu soo dhigay baraha bulshada.

Kaddib isku shaandheyn aan innaba caadi ahayn uu Zidane kal ciyaareedkan ku sameynayay shaxdiisa, Ronaldo ayaa xalaad jir ahaaneed oo aad u fiican ku imaan karaya Cardiff.

Final touches 👌

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close