”Seddexleey? Taas waxaa iska leh CR7” – Radja Nainggolan oo u dayriyay taageerayaasha Juve

Radja Nainggolan ayaan weli ka tiira dhigin inuu qaniino kooxda Juventus oo isu diyaarinaysa final-ka Champions League oo ay ku wajahayaan kooxda Real Madrid.
Il Ninja oo u jawaabayay taageero Bianconero ah mar uu toos ugu jirey Facebook ku gaadey su’aal ku saabsanayd inay Juve qaadi karto seddexleey kaddib markii ay hanatay Coppa Italia iyo scudetto.
“Ma seddexleey Juventus qaaddo? Mayee waxaa seddexleeyda qaadanaya CR7 weliba si cad! ” ayuu yiri Niangolan, iyadoo ay taageerayaasha Juve Sabtiga kooxdooda ka dhowrayaan inay beeniso hadalka Il Ninja oo sidoo kale horay ugu khaldamay inay 2 jeer garaaci doonaan Lazio nus-dhamaadkii Coppa Italia, sidoo kale CR7 ayaan seddexleey qaadaynin xitaa haddii uu hanto CL.
b
 
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close