RASMI: Arsene Wenger oo heshiis cusub qalinka ugu duugay Arsenal

wen

(London) 31 Maajo 2017. Tababare Arsene Wenger ayaa ugu dambeyn heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal.

Gunners ayaa xaqiijisay in macallinka reer France uu saxiixay qandaraas cusub oo ku eg ilaa 2019.

Kooxda ka dhisan London ayaa shalay heshiis la gaartay macallinkooda iyadoona maanta si rasmi ah u shaacisay labada sano ee cusub uu saxiixay Wenger.

GFX Arsene Wenger Arsenal extension

Kaddib markii uu Wenger shalay meel aan la garaneyn kulan gaar ah kula yeeshay ninka leh saamiga ugu badan kooxda ee Stan Kroenke ayaa la ansixiyay inuu kooxda sii joogo.

Arsene Wenger 790 kulan ayuu Premier League hogaaminayay isagoo tababare ah, kaliya macallinkii hore ee Man United Sir Alex Ferguson ayaa ka kulamo badan 810-kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close