“Offside ma ahayn goolkii aan Champions League uga qaadnay Juventus.”.

1002215P CHAMPIONS LEAGUE FIN

(Madrid) 31 Maajo 2017. Sagaal iyo toban sano ayaa ka soo wareegatay laakiin xusuusta Predrag Mijatovic ee goolkii guusha uu ka dhaliyay Juventus aad ayay ugu cadahay.

Kubbad uu soo laaday Roberto Carlos oo soo laabatay ayuu horey u qaatay Mijatovic isagoo maray goolhaya isla markaana goolka guusha u gacan galiyay Real Madrid final kii Champions League ee 1998-dii markaa ay 1-0 uga qaadeen kooxda reer Talyaani.

“Waxay ahayd waqtigeygii ugu waynaa waayahayga ciyaareed,”. Mijatovic ayaa sidaa yiri.

Real Madrid hero Mijatovic: Sorry Juventus fans - my Champions League winner wasn't offside!

“Waxay ahayd mid aad u wayn iyo raaxo aan la ilaawi karin.

Mar wax laga waydiyay in goolka uu Offside ahaa ayuu ku jawaabay:

“Maya, ma uusan ahayn offside, waxaana caddeynaya midaa in xaqiiqdii uusan qaadicin mid ka mid ah ciyaartoyda Juventus.”.

19 sanadood kaddib Juventus iyo Real Madrid ayaa markale ku kulmi doona Final ka Champions League marka ay sabtida isku qabtaan magaalada Cardiff.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close