100 ka ciyaartooy ee ugu caansan adduunka oo la soo saaray…..(Ronaldo oo hogaaminaya Messi-na 2-aad kuma jiro)

maya

(World) 31 Maajo 2017. ESPN ayaa soo saartay 100 laacib ee ugu caansan ciyaaraha nuucyadiisa kala duwan waxaana hogaanka u haya xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

LeBron James ee ciyaara Basketball ayaa soo galay labaad halka Lionel Messi uu ku jiro kaalinta saddexaad.

Roger Federer ee ciyaara Tennis ka ayaa noqday laacibka 4-aad ee ugu caansan dunida, waxaa 5-aad ku jira Phil Mickelson ee dheela Golf, xiddiga Barcelona ee Neymar ayaa 6-aad soo xirtay.

Ninka ugu orodka badan adduunka ee Usain Bolt ayaa soo galay 7-aad, Kevin Durant oo isna orda ayaa ku jira 8-aad, Rafael Nadal iyo Tiger Woods ee kala ciyaara Teeniska iyo Golf ayaa soo buuxiyay liiska 10-ka sare.

Xiddigaha kubbada cagta adduunka ayaa 3 uun ku leh liiska 10-ka ugu caansan ciyaaraha oo ay soo saartay ESPN.

Halkan ka aqriso 10-ka ugu CAANSAN ciyaaraha adduunka.

  1. Cristiano Ronaldo
  2. LeBron James
  3. Lionel Messi
  4. Roger Federer
  5. Phil Mickelson
  6. Neymar
  7. Usain Bolt
  8. Kevin Durant
  9. Rafael Nadal
  10. Tiger Woods

Haddii aad rabto Liiska 100-ka oo dhammeystiran GUJI halkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close