Yaa ku qanciyay Pablo Zabaleta inuu ku biiro West Ham United? isaga ayaa ka jawaabaya

(London) 30 Maajo 2017 Daaficii kooxda Manchester City ee Pablo Zabaleta ayaa ku biiray kooxda West Ham United ee ka dhisan caasimada ingiriiska.

Pablo Zabaleta ayaa sheegay in laacibka ay isku dalka yihiin ee Manuel Lanzini uu sabab u ahaa inuu doorto funaanada kooxda West Ham United.

Zabaleta ayaa iska diiday kooxo badan si uu ugu biiro West Ham, wuxuuna cadeeyay in Lanzini uu gacan wayn ka gaystay xirashada maaliyada West Ham.

“Dhawr jeer ayaan la hadlay Lanzini, isaga ayaana igu qanciyay inaan ku biiro West Ham United” ayuu yiri Pablo Zabaleta.

“Waan ku faraxsanahay inuu sifiican u ciyaarayo, wuxuu soo bandhigay xiliciyaareed cajiib ah, waxaana lagu soo daray shaxda xulka qaranka Argentina”.

“Lanzini waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda, waxaan rajaynayaa inaan la kulmo mar dhaw, waan la hadlay isaga waayo West Ham ayaa si wayn ii doonaysay, fursad fiican ayeey ii ahayd inaan macluumaad badan ka helo shaqsi ka mid ah kooxda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close