Silvio Berlusconi iyo Massimo Morratti oo abaalmarinno la siiyay + Sawirro

(Milano) 30 Maajo 2017 – Labadii milkiile ee kooxaha AC Milan & Inter Milan ee Silvio Berlusconi iyo Massimo Morratti ayaa waxaa abaal marin qaali ah lagu guddoonsiiyay magaalada Milano.

Maamulka Milano ayaa labadan ganacsade ee reer Talyaani siiyay abaalmarinta Rosa Camuna Lombardia dufcadeedii 2017.

Waxaana waxyaabaha labadooda la kala siiyay ka mid ah funaanadaha labadoodii kooxood iyadoo midba la siiyay funaanadda kooxda kale, tusaale ahaan, Silvio waxaa la siiyay funaanadda Inter, halka Massimo la guddoonsiiyay funaanadda AC Milan.

Sababta abaalmarintan loo siiyay ayaa ah dadaalka ay ka gaysteen horumarinta heerka ganacsi, bulsho iyo dhaqan ee magaalada Milano iyo guud ahaan gobolka Lombardia.

Labada ganacsade ee caanka ah ayuu midba sheegay inuu xushmad iyo iimayn wayn u hayo xitaa haddii ay muddo dheer xukumayeen laba kooxood oo aad ugu xafiiltama ciyaaraha Talyaaniga.

b b b1 b3 b4 b6 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b15 b16 b17

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close