Real Madrid oo soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa Moussa Sissoko

(Madrid) 30 Maajo 2017 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa markale soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa laacibka qadka dhexe ee Tottenham.

Tababare Zinadine Zidane ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka Moussa Sissoko, kaas oo uu ku dhawaa inuu la soo wareego xaggaagii hore markaas oo uu wacdaro ka dhigay Euro 2016.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ka faa’idaysato isfahan darada ka dhex jirta Moussa Sissoko iyo maamulka Tottenham kadib markii uu kooxda waydiistay in la fasaxo sida ay baahisay shabakada Don Balon.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha AC.Milan iyo Barcelona ay sidoo kale u furanyihiin inay wadahadlo la yeeshaan laacibka reer France kaas oo ka ciyaari kara boosas badan.

Moussa Sissoko ayaa 30 milyan oo Ginni ugu soo biiray kooxda Tottenham kadib markii uu ka soo dhaqaaqay Newcastle xaggaagii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close