RASMI: Luciano Spalletti oo iskaga tegey AS Roma! (Kooxdee aadayaa?)

AS Roma ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu ka tegey macallin Luciano Spalletti, kaasoo la filayo inuu ku biiro kooxda Inter.

Qandaraaska macallinka ayaa dhacayay dhamaadka bisha Juun ee soo aaddan, mana uusan muujinin saansaan uu ku kordhinayo si uu usii joogo Stadio Olimpico.

“AS Roma waxay kala waydaarteen macallin Luciano Spalletti, oo ay kooxdiisu sanadkan dhalisay goolashii ugu badnaa ee ay abid koox Roma ihi dhaliso, waxaana dhaqse u magacaabaynaa macallin sii wadi kara falsafadda kooxda Roma,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Giallorossi.

Madaxwaynaha Roma ee James Pallotta ayaa sidoo kale ka hadlay tegitaankiisa isagoo Spalletti uga mahad celiyay dadaalkii uu sameeyay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close