RASMI: Asmir Begovic oo isaga tagay kooxda Chelsea

Photo published for Begovic to join Bournemouth

(London) 30 Maajo 2017 Kooxda Chelsea ayaa shaacisay in goolhayehoodii labaad ee Asmir Begovic uu isaga tagay kooxda.

29 jirka reer Bosnia ayaa aqbalay heshiis uu ugu biirayo kooxda Bournemouth, Chelsea ayaana baahisay in Asmir Begovic uu ku biiri doono Bournemoth 1-da July ee sanadkaan.

Asmir Begovic ayaa laba xiliciyaareed ku qaatay kooxda Chelsea kadib markii uu ka soo dhaqaaqay Stoke City 2015.

Begovic ayaa u saftay kooxda Blues 33 kulan, wuxuuna shabaqiisa ilaashaday 10-kulan, wuxuuna ugu danbayn go’aansaday inuu ku biiro Bournemouth.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close