Ka bogo wax kasta oo uu Zidane uga hadlay shirkiisa jaraa’id….(Bale iyo Isco kee lagu soo bilaabi doonaa Finalka Champions League?)

aboo

(Madrid) 30 Maajo 2017. Tababare Zinedine Zidane ayaa mowduucyo kala duwan uga hadlay Maalinta saxaafadda ee Real Madrid ee maanta lagu qabtay xeradeeda tababarka ee Valdebebas.

Zidane oo ka hadlay sidii uu ugu qanacsan yahay howsha ay ilaa iminka soo qabteen xarfaantiisa ayaa yiri.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ciyaareyno Final ka waxaana aaminsanahay inaan ku jirno qaab ciyaareed jir ahaaneed oo fiican aan ku aadeyno kulanka Juventus.

“Shaqo fiican ayaan soo qabanay sanadka oo idil, laakiin waa inaan bixinaa teena ugu fiican kulanka Cardiff sidaa darteed si aan ugu rajo waynaano inaan ku guuleysan karno.”.

Zidane oo ka hadlaya kooxdiisa weerarka qul qulaya leh iyo daafaca shuban ee Juventus ayaa yiri.

“Tiro koobka markasta ma muujiyaan sida loo ciyaari doono Final, diyaar garoow fiican ayaan sameynay.

“Juve iyo innaga waan u qallanaa final ka, wuxuu noqon doonaa kulan shidan.

Zidane oo ka hadlay soo laabashada Bale ayaa yiri:

“Kooxda way ku faraxsan tahay inuu si buuxda u soo kabtay dhammaana diyaar ayaan u nahay inaan ka qeyb qaadano.

“Waan ogahay inuu si gaar ah u xiiseynayo inuu noqdo geesiga guriga.

Zidane oo ka hadlay cida ku soo bilaabaneysa Bale iyo Isco Final ka CL isagoona qishay inay labaduba ku soo bilaaban karaan.

Image result for Bale and Isco

“Labada ciyaaryahanba waa cajiib, 16 mar ayay garoonka wada galeen kal ciyaareedkan, maxaysan midaa markale u dhici karin?

“Way is dhammeystiri karaan xirfadooda naadirka ah.

“Ugu dambeyna waxaan sameyn doonaa go’aan adag oo ah 22 ama 23 laacib.

“Ma idin sheegi doono midka ciyaari doona, dooda ma go’aamin doonto dooqeyga.”.

Zidane oo ugu dambeyn ka hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid ayaa yiri:

“Waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo, waxaan aaminsanahay in kooxdu ku qanacsan tahay sida ay waxyaabaha u socdaan.

“Sabtida waa mustaqbalka kaliya ee aan iminka ka walaacsanahay.

“Shan sano ayaan ku soo qaatay Juventus xusuus la jacleysto ayaana ka heystaa, laakiin iminka waxaan kaliya oo ka fikirayaa sidii aan Real Madrid ugu hogaamin lahaa koob kale.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close