Ka bogo hoteelka ay Cardiff ka calmatay kooxda Juventus + Sawirro

(Cardiff) 30 Maajo 2017 – Waxaa Sabtiga magaalada Cardiff ku qabsoomaya dhamaadka KHY waxaana idiin haynaa hoteellada ay joogayaan labada kooxi.

Kooxda Juve ayaa dooratay Vale Resort oo ku yaalla Hensol, waana hoteel qiyaastii 10 mayl u jira bartamaha magaalada oo aad u raaxo badan, isagoo leh Spa loo arko midka ugu wayn gobolka Wales.

Waa hoteel leh meelo lagu dheelo ciyaarta xeegada isla markaana ay ku nastaan xulalka Rugbey-ga ee Six Nations, wuxuu sidoo kale hoteelkani saldhig u yahay xulka qaranka Ingiriiska oo badanaa door bida inuu waqtigiisa ku qaato.

Hoteelkan casriga ah ayaa waxaa 2009 xarigga ka jaray guddooyihii hore ee FIFA ee Sepp Blatter. Qolalka hoteelkani waa 143 qol, balse Juve ma wada qabsan doonto kulligood.

b b1 b3 B4 b5 b6 b7 b8 b9 b12 b13 b15 b16 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25 b27 b28 b29 b30 b32 b34

b3

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close