”Waxaan Roma u aadi gaarey inaan la ciyaaro Francesco Totti” – David Beckham

(London) 29 Maajo 2017 – Francesco Totti ayaa Axadddii dheeley kulankiisii ugu dambeeyay isagoo xiran funaanadda AS Roma, waloow uusan weli caddaynin inuu ciyaaraha gebi ahaanba ka fariistay ama uu sii wadanayo.

Yeelkeede, waxaa halyeeyga Giallorossi arrintiisa ka hadlay David Beckham oo yiri isagoo dhoolla caddaynaya. “Waxaa jirtey fursad aan ku iman karey kooxda Roma xilligii aan ka ciyaarayay Maraykanka, ujeedka iigu waynna wuxuu ahaa inaan ka garab ciyaaro Francesco Totti”.

Becks ayaa sheegay inuu Totti yahay laacib mug leh xitaa marka aad kasoo horjeeddo, iyadoo uu Beckham usoo dheeley qaar ka mid ah kooxaha ugu waawayn sida Manchester United, Real Madrid, PSG iyo AC Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close