”Waa riyo wayn hanashada Koobka Horyaallada Yurub” – Gianluigi Buffon

(Torino) 29 Maajo 2017 – Gianluigi Buffon ayaa sheegay inay “riyo ku wayn tahay” hanashada Champions League, isagoo tilmaamay inay taa ku kalsoon yihiin laacibiinta Juventus.

Kooxda Bianconeri ayaan dhegawayne il saarin tan iyo 1996-kii, iyadoo uu goolwalahani uusan abidkii qaadin koobkan, xitaa haddii uu 2 jeer yimi final-ka koobkan intii uu ciyaarayay, balse Sabtiga soo aaddan ayuu fursad haystaa.

“Waa fursad inaan gaarno meel aannu uga taami karno riyadan wayn, waxaanse nahay laba kooxood oo waawayn,” ayuu yiri Buffon oo galabta saxaafadda la hadlayay.

“Waxaan qabnaa kalsooni la mid ah middi aan qabnay 2 sano ka hor, welina waanq abnaa.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close