RASMI: Kooxda AS Roma oo qandaraaska u kordhisey Kevin Strootman + Sawirro

(Roma) 29 Maajo 2017 – Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay qandaraaska u kordhiyeen laacibka khadka dhexe ee Kevin Strootman kaasoo uu qandaraaskiisa la gaarsiiyay ilaa 2022.

Laacibkan Dutch-ka ah ayaa inta badan labadii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay ku seegay dhaawac jilibka ah, balse wuxuu qayb libaax ka qaatay kooxda Luciano Spalletti ee Giallorossi oo kaalinta 2-aad ku dhamaysatay isagoo 45 kulan oo tartamada oo idil u saftay sanadkan.

“Wuxuu naadigu Roma ku faraxsan yahay in laacibka khadka dhexe ee Kevin Strootman uu saxiixay heshiis cusub oo uu Roma ku joogayo tan iyo xagaaga 2022,” ayay u akhrismaysaa farriin kasoo dhigay webka Roma.

b

ROME, ITALY - JANUARY 12: Kevin Strootman of AS Roma in action during the Serie A match between AS Roma and Genoa CFC at Stadio Olimpico on January 12, 2014 in Rome, Italy. (Photo by Paolo Bruno/Getty Images)
ROME, ITALY – JANUARY 12: Kevin Strootman of AS Roma in action during the Serie A match between AS Roma and Genoa CFC at Stadio Olimpico on January 12, 2014 in Rome, Italy. (Photo by Paolo Bruno/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close