Man United oo heshiis cusub ku abaal marinaysa tababare Jose Mourinho

jose-mourinho_fh5qa36yvfia191t15cdjnggk

(Manchester) 29 Maajo 2017 Kooxda Manchester United ayaa heshiis cusub ku abaal marinaysa tababaraheeda reer Portugal ee Jose Mourinho.

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa cusub 3-koob xiliciyaareed kaan, maamulka ayaana durbadiiba la dhacay 54 jirka reer Portugal.

Sida laga soo xigtay Express, Maamulka Manchester United ayaa u diyaarinaya tababare Mourinho abaal marin ah in laga saxiixo heshiis 5-sano ah, isaga oo kor loo qaadi doono mushaarkiisa.

Mourinho ayaa heli doona sanadkii 20 milyan oo Ginni haddii uu saxiixo heshiiskaan cusub, sidoo kale maamulka ayaa u diyaariyay lacag dhan 200 milyan oo Ginni si uu suuqa ugu galo xaggaagan.

Jose ayaa 3 sano qalinka ugu duugay kooxda Manchester United xaggaagii hore, isaga oo ku darsan kara sanad afaraad hadii uu u baahdo, laakiin maamulka ayaa u arka tababare ay tahay inuu la sii joogo kooxda mudo dheer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close