Man City oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay wakiilka Yaya Toure

(Manchester) 29 Maajo 2017 Kooxda Manchester City ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay wakiilka laacibkeeda Yaya Toure sida lagu baahiyay warbaahinta ingiriiska.

Maamulka Manchester City ayaa wadahadalo hormar leh kula jira wakiilka Yaya Toure si laacibku uu qalinka ugu duugo heshiis hal sano ah.

Qandaraaska Yaya ee kooxda City ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, tababare Guardiola ayaase la dhacay qaab ciyaareedka xiddigaan ee kulamadii u danbeeyay, wuxuu waydiistay in laga saxiixo heshiis hal sano oo dheeraad ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Yaya Toure qudhiisu uu doonayo inuu iska sii joogo garoonka Etihad xiliciyaareed kale, si uu koobab ula qaado kooxdiisa Man City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close