“Kulanka Real Madrid waa mid iska caadi ah” – Paulo Dybala

(Cardiff) 29 Maajo 2017 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa kulan caadi ah ka soo qaaday kulanka Final-ka Champions League.

Paulo Dybala ayaa hoos u dhigay muhiimada kulanka wayn ee ay ka hortagayaan kooxda Real, wuxuuna sheegay inuu la mid yahay kulamada kale ee iska caadiga ah.

Juventus iyo Real Madrid ayaa isku arki doona Final-ka koobka horyaalada yurub maalinta sabtiga ah, kulankaas ayaana lagu ciyaari doonaa magaalada Carddif ee dalka Wales.

“Aniga iyo Higuain si xoogan ayaan u shaqaynaynaa, si aan farxad ugu soo jiidno Juventus, waan sheekeysanay waxaana noo haray 5-maalin oo aan ku diyaar garoobayno” ayuu yiri Paulo Dybala.

“Waa kulan iska caadi ah si lamid ah kulamada kale, waxaan ku jirnaa xaalad jir ahaaneed oo wanaagsan, waxaa haboon inaan si daganaan ah u ciyaarno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close