Wenger oo ka hadlay mustaqbalkiisa Arsenal kadib ku guulaysigii FA Cup-ka

(London) 28 Maajo 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan waqooyiga London kadib markii uu u qaaday koobka FA Cup-ka.

Arsene ayaa sheegay in mustaqbalkiisa uu soo kala cadaan doono maalmaha soo socda gaar ahaan maalinta khamiista ah.

Wuxuuna soo muujiyay inuu diyaar u yahay inuu sii joogo Arsenal oo uu u kordhiyo qandaraaska, si uu isugu diyaariyo xiliciyaareedka dambe.

“Kulan ayaan la leeyahay maamulka talaadada, ama arbacada, wax walba waa ay soo kala cadaan doonaan khamiista” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Waan ku faraxsanahay inaan sameeyo wax yaabo aan horay looga samayn ingiriiska, sida ku guulaysiga horyaalka guul daro la’aan iyo ku guulaysiga FA Cup-ka 7-jeer”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close