Blaise Matuidi oo aan hubin mustaqbalkiisa PSG

Image result for matuidi

(Paris) 28 Maajo 2017 Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa shaaciyay inuusan hubin mustaqbalkiisa kooxda reer France.

Xiddigaan ayaa ku dhawaaday xaggaagii hore inuu isaga tago PSG oo uu ku biiro Juventus laakiin maamulka kooxdiisa ayaa ku guulaystay inay ku sii haayaan caasimada Faransiiska.

“Inbadan ayaan jeclahay France, waan ku raaxaysanayaa kooxdan laakiin si dhab ah uma hubo mustaqbalkeyga kooxda” ayuu yiri Blaise Matuidi.

“Ilaa haatan wax go’aan ah kama gaarin inaan la sii joogayo kooxda, waxaa wanaagsan inaad u ciyaarto koox aad jeceshahay”.

“Waan jeclahay PSG, waxay igu leedahay xusuus aad u fiican, sidaas darteed hadii aan katago xaggaagan marwalba qalbiga ayaan ku hayn doonaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close