Kooxda Real Madrid oo soo bandhigtay qorshe ku kacaya 400 milyan oo lagu casriyaynayo garoonkeeda + Sawirro

(Madrid) 26 Maajo 2017 – Guddi ku qaybsan horumarinta garoonka Santiago Bernabeu ayaa soo bandhigay naqshadda ay u qorsheeyeen garoonka oo dib loo casriyayn doono muddo 3 sanadood gudohood ah.

Garoonka ayaa lagusoo kordhin doonaa taabashooyin casri ah iyadoo dib u qaabayn lagu samayn doono fadhiyada, isla markaana loo samayn doono shaashado balaasma ah gudaha iyo dibedda.

Kharajka ku baxaya ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 400 milyan oo euro iyadoo loo samayn doono saqaf qurux badan oo casri ah iyo boordooyin qurux badan sidoo kale beero qurux badan oo lagu nasto iyo meelo wax laga cuno oo bannaanka iyo gudaha ku kala yaalla, haddaba hoos ka daawo sawirrada.

b8 b7 b6 b4 b3 b

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close