XOG: Arsenal waxa ay dooneysaa Hazard

Borussia Moenchengladbach v Hertha BSC - Bundesliga

(London) 25 Maajo 2017. Arsenal waxa ay bidhaansatay garabka Borussia Monchengladbach Thorgan Hazard, sidaas waxaa qabta Jeunes Footeux.

Laacibka reer Belgium lana dhashay xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa soo fuulay diiradda Arsene Wenger kaddib bandhigyadii cajiibka ahaa ee uu muddooyinka dambe la yimi.

Hase ahaatee, Gunners waxa ay loolan kala kulmeysaa Everton oo Iyana rabta ciyaaryahanka lagu qiimeeyo €18.

Arsenal waxa ay ka dhacday sallaanka lagu yimaado Champions League-ga ololahan waxa ayna ka dheeli doontaa Europa League kal dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close