XOG: AC Milan & Alvaro Morata oo heshiis hordhac ah gaarey

(Milano) 25 Maajo 2017 – Qannaaska Real Madrid ee Alvaro Morata ayaa ogolaaday inuu xagaagan ku biiro kooxda AC Milan, sida ay wararku tibaaxayaan.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa qoraya in hujuumkii Juventus uu gudoonsadey inuusan sugin dalabyada laga yaabo ee Chelsea iyo Manchester United, isagoo taa biddaalkeeda u codeeyay qorshaha Rossoneri oo ula diyaar ah inay sanadkii siiso €7.5m oo euro.

Milan ayay tahay inay hadda la xaasho naadiga reer Spain, iyadoo uusan laacibkani boos joogto ah ka haysanin kooxda Zinedine Zidane.

Milan ayaa la diyaar ah dalab ku kacaya €60m, iyadoo aan qarinin inay fasalkan doonayso weeraryahan dhalin kara goolal laba tiraale ah oo bedeli kara Carlos Bacca oo ka socda xagaagan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close