Tartankii kubadda gacanta ee xeebta oo galabta la soo gabagabeyn doono + Sawirro

(Muqdisho) 25 Maajo 2017 – Magaalada Muqdisho waxaa si xiiso leh ugu soconaya tartankii kubadda gacanta ee Beach Handball kaasoo lagu ciyaarayo xeebta Liido.
Kama dambeysta tartankaan ayaa la soo gaaray waxaana hanashada koobkan isku heysta Iskuulada Banaadir Zone iyo Nagayle kuwaas oo wata min lix dhibcood.
Afar kooxood ayaa ka qeyb qaadaneysa koobkan waxa ayna kala yihiin Singjet, Bilan Printing, Banaadir Zone iyo Nagayle Iskuul.
Singjet iyo Bilan Printing ayaa laga soo badiyay labadii kullan ay soo ciyaareen waxaana galabta ay ku dagaalami doonaan kaallinta saddexaad.
Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya lagu qabto Beach Handball, waxaana soo qaban qaabiyay xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo macallimiinta qaranka.
Ciyaartooydii kusoo baxday tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ee kubadda gacanta iyo xiddigaha heerka koowaad ayaa ka qeyb qaadanaya tartankaan sida xiisaha leh ugu soconaya eebta Liido.
Sawir Qaade: Mahad Shariif Jilacoow
Gool FM