RASMI: Kooxda Inter Milan oo soo bandhigtay funaanadda 1-aad ee fasalka 2017-2018 + Sawirro

(Milano) 25 Maajo 2017 – Kooxda Inter Milan ayaa ugu dambayn si rasmi ah usoo bandhigtay funaanadda 1-aad ee fasal-ciyaareedka soo aaddan ee 2017-2018 iyadoo durba la iibsan karo funaanadda Nerazzurri.
“Funaanadda cusub ee Inter waxaa laga tixraacay magaalada Milano, waxaana loo adeegsadey tiknolojiyadda Dri-FIT technology. Funaanaddii soo jireenka ahayd ayaa lagu daray taabasho casri ah, iyadoo uu magaca“Nerazzurri” uu ka muuqdo qaybta kallarka.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Inter.
Gool FM