“MAGAALO MIDEYSAN”. City oo dhinac iska dhigtay xifaaltankii kala dhexeeyey United una muujisay garab istaag

manchester-united-europa-league-final_c3jskk3ey4ni1wj8kix30l8s3

(Manchester) 25 Maajo 2017.  Manchester City waxa ay fariin garab istaag ah u dirtay Manchester United kaddib markii ay xalay hanatay tartanka Europa League.

Goolal ay kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa u sahlay guusha dhinaca Jose Mourinho, kuwaas oo hore ugu soo guuleystay Community Shield-ka iyo Capital One Cup.

United waxa ay dib ugu soo laabatay Champions League-ga.

Ciyaartan waxaa hareeyey qaraxii galaaftay 22-ka ruux ee ay ku jireen carrurr kaas oo isniintii ka dhacay Manchester.

Waxaa madal lagu xusayey dadkii waxyeeladu soo gaartay lagu qabtay goobta loo yaqaan Albert Square iyada oo hirgaliyey daqiiqado aamusnaan ah kahor inta aysan bilaabin kulankii ka dhacay Friends Arena ee Stokcholm.


City iyo United waxa ay soo dhigeen boorar lagu qoray erayo lagu xusayo dhacdadaas iyada oo ay dhinaca Pep Guardiola meel iska dhigeen xifaaltankii kala dhexeeyey United.

Waxaa baraha bulshada lagu arkay calaamadda afar geeska ah (Hashtag) #CityUnited (Magaalo mideysan) muddo 24 saacadood ah, qoraalka waxa uu ka koobnaa midadka buluug circa ah ee City iyo midka casaanka ah ee xifaaliyeyaashooda.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close