Jamaahiirta Man United oo xalay soo bandhigay maaliyadda Antoine Griezmann

40C2001E00000578-4539010-image-a-81_1495658460274

(Manchester) 25 Maajo 2017. Intii ay socotay dabaashaadkii ka dhashay guushii Manchester United ee ay ku qaaday Europa League-ga waxaa la arkay funaanad ay ku qoratahay magaca iyo lambarka ‘7’ # Antoine Griezmann.

Sir ma aha in Unied ay si ba’an u dooneyso weeraryahanka Atletico Madrid balse waxa ay xalay u eked in uu ku soo biiray, waayo?

Taageereyaasha United waxa ay qabeen dareen ah in helidda Antoine Griezmann ay u jirto kaliya in ay u soo baxaan Champions League-ga oo ay xalay himiladiisa gaareen!

Laba asbuuc gudohood waxaa dhici karta sida ay mucaashiqiinta Red Devils jecelyihiin in  ay dhabowdo rabtitaankooda iyo imaanshaha Antoine Griezmann ee Old Trafford.

Manchester-United-Antoine-Griezmann-757169

United oo u soo bandhigtay Griezmann mushaar qaali ah

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid ku sii dhawaanaysa saxiixa weerar yahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Laacibka reer France ayaa soo muujiyay sida uu u doonayo inuu katago Atletico isla markaana uu ku biiro koox u suurogalin karta ku guulaysa Champions League, wuxuuna cadeeyay in 60% uu ku dhawyahay inuu noqdo laacib ka tirsan Manchester.

Marca ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay diyaar latahay aduun dhan 100 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiska Antoine Griezmann ee Atletico Madrid.

Kooxda reer ingiriis ayaana u balan qaaday Antoine Griezmann mushaar dhan 14 milyan oo euro sanadkii hadii uu ku soo biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Shardiga kaliya ee Antoine Griezmann uu ku xiray Manchester United ayaa ah u soo bixida Champions League, hadii kooxdu ay ku guul daraysato inay qaado Europa League caawa waxay ka dhignaan doontaa in heshiisku uu burburo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close