Andres Iniesta oo ku dhaw inuu jabiyo rikoorka koobabka ee Xavi Hernandez

Image result for xavi and Iniesta

(Barcelona) 24 Maajo 2017. Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ku dhaw inuu jabiyo rikoorka koobabka ee saaxiibkiis Xavi Hernandez.

Halyeeygii hore ee Barcelona ayaa ku guulaystay 32 koob xirfadiisa waxaana ku jira 2-koob oo uu la qaaday kooxdiisa haatan ee Al Sadd, waxayna isku koobab yihiin Andres Iniesta kaas oo Barcelona iyo xulka Spain kula guulaystay 32 koob.

Andres Iniesta ayaa fursad u haysta inuu ka saramaro Xavi hadii kooxdiisu ay sabtiga ku guulaysato koobka boqorka Spain.

Barcelona ayaa sabtiga la ciyaari doonta kooxda Alaves oo ay isugu soo hareen Final-ka Copa del Rey, koobkaas ayaana noqon kara kii 33-aad ee taariikhda Andres Iniesta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close