RASMI: Eduardo Carvalho oo heshiis cusub u saxiixay Chelsea

(London) 23 Maajo 2017 Goolhayaha kooxda Chelsea ee Eduardo Carvalho ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub xili la saadaalinayay inuu katagi doono kooxda.

Kooxda Blues ayaa boggeeda rasmiga ah ku shaacisay in Eduardo Carvalho uu qalinka ku duugay hal sano oo dheeraad ah taas oo ka dhigan in xiliciyaareed kale uu sii joogi doono kooxda.

34 jirkaan reer Portugal ayaa ku soo biiray kooxda Chelsea xaggaagii hore markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Dinamo Zagreb, wuxuuna la qaaday horyaalka ingiriiska.

Eduardo Carvalho oo la hadlay Web-ka kooxda Chelsea kadib markii uu saxiixay heshiiska cusub ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sanad kale sii joogo Chelsea, xiliciyaareed kaan wuxuu ahaa mid guul u ah kooxda, dhamaan waxay i dareensiiyeen inaan ahay qayb ka mid ah qoyskaan”.

“Waxaan rajaynayaa in xiliciyaareedka dambe uu noqdo sidoo kale mid fiican, waan awoodnaa inaan ku guulaysano koobab badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close