Man United oo baajisay shirkii jaraa’id ay qaban lahayd maanta ka hor Final ka Europe League

jose

(Manchester) 23 Maajo 2017. Jose Mourinho ma hogaamin doono shirka jaraa’id ee kooxda Man United ka hor kulanka final ka Europe League kaa oo ay ahayd inuu maanta qabsoomo kaddib weeraradii argagixisada ee ka dhacay magaalada Manchester.

Macallinka reer Portugal ayay ahayd inuu ka hadlo shirka jaraa’id oo lagu waday inuu ka dhoco magaalada Stockholm ka hor kulanka Final ay habeen dambe la yeelan doonaan Ajax.

An injured man is led from the arena in Manchester after tonight's chaos

Yeelkeede, Man United ayaa u gudbisay UEFA codsi ay ku baajinayaan shirka jaraa’id, xiriirka ayaana ka aqbalay kaddib weeraradii argagixsada ee shalay ka dhacay magaalada Manchester kaa oo ay ku naf waayeen 22-ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen 59 qofood.

Xiddigaha Man United ayaa daqiiqad aamusnaan ah u sameeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay dhacay mar ay tababarka ku jireen maanta si ay xushmad ugu muujiyaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close