Inter Milan oo qaadanaysa Luciano Spalletti (Goorma ayaa lagu wadaa saxiixa?)

(Milano) 22 Maajo 2017 – Luciano Spalletti ayaa lagusoo warramayaa inuu haatan kusoo baxay dookha 1-aad ee Inter Milan, iyadoo lagu wado in si rasmi ah loogu dhawaaqo todobaad-dhamaadkan.

Macallinkan oo uu qandaraaskiisa Roma dhamaanayo xagaagan ayaa lasoo werinayaa inuu durba kooxdiisa Giallorossi u sheegay inuusan sii joogaynin.

Warsidaha La Repubblica ayaa haatan werinaya inuu dhacay kulan 3 saacadood qaatay oo maanta dhexmaray Walter Sabatini, Steven Zhang iyo Piero Ausilio kaasoo ay maamulka Beneamata ku guddoonsadeen in Spalletti uu yahay dookhooda 1-aad.

Kooxda Nerazzurri ayaa doonaysa macallin Talyaani ah oo yaqaanna Serie A, waxayna haatan u muuqdaan kuwo kasii quusanaya macallinka Chelsea ee Antonio Conte.

Waxaa sidaa darteed la sheegayaa inay calmadeen Spalletti horraanta todobaad-dhamaadkan ama horraanta todobaadka soo aaddan.

ROME, ITALY - AUGUST 27:  AS Roma coach Luciano Spalletti attends a press conference at Centro Sportivo Fulvio Bernardini on August 27, 2016 in Rome, Italy.  (Photo by Luciano Rossi/AS Roma via Getty Images)
ROME, ITALY – AUGUST 27: AS Roma coach Luciano Spalletti attends a press conference at Centro Sportivo Fulvio Bernardini on August 27, 2016 in Rome, Italy. (Photo by Luciano Rossi/AS Roma via Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close