Real Madrid oo go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso James Rodriguez, kooxdeese ugu dhaw saxiixiisa?

(Madrid) 06 Maayo 2017 Kooxda Real Madrid ayaa go’aansatay inay iska iibiso kabtanka xulka Colombia ee James Rodríguez kaas oo ay kala soo wareegeen Monaco 2014.

Wariyaha Sky Sports ee ka faalooda arimaha horyaalka Spain ee Guillem Balague ayaa sheegay in Real Madrid ay ku iibinayso James Rodríguez lacag dhan 60 milyan oo euro.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu dhaw saxiixa James Rodríguez sida uu sheegay wariyaha Sky Sports, sidoo kale kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa si fiican ula socda xaalka laacibka.

james-1

Kooxaha qaar ayaa ka walwalsan in laacibku uusan si joogto ah u ciyaarin mudo, waxayna filayaan inay arkaan laacibka oo si joogto ah u ciyaaraya sida uu sheegay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close