Lionel Messi oo iska diiday dalab ay u soo gudbisay Barcelona

li

(Catalonia) 06 Maajo 2016. Lionel Messi ayaa la warinayaa inuu iska diiday dalab bilow ah oo loogu kordhinayo heshiiska kaa oo la fahansan yahay inuu sanadkiiba ku kacayo adduun dhan 30 ilaa 35 milyan oo euro oo faa’iido nadiif ah.

Heshiiska uu xiddiga reer Argentina ku joogo gegada Camp Nou ayaa ka dhici doona 18 ka June, wada hadalada u dhexeeya Barca iyo Messi aabihii oona ah wakiilkiisa ayaa waxay socdeen bilooyin.

Heshiis kordhinta Messi ayaa la filayaa in la isku af garto iyadoo ay jirto inuu diiday dalabkii bilowga ahaa ee qandaraaska loogu kordhinayay.

Usbuucyada soo socda ayaa la filayaa inuu dib u bilowdo wada hadalo hor leh oo ku aadan heshiis kor dhinta Lionel Messi oo u dhexeyn doonaa aabihii Jorge iyo maamulka Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close