Kooxaha ugu wayn ingiriiska oo ku loolamaya saxiixa Dani Alves

(Torino) 06 Maayo 2017 Kooxaha ugu tunka wayn ingiriiska ayaa ku loolamaya saxiixa daafaca midig ee kooxda Juventus kaas oo soo bandhigaya qaab ciyaareed aad u fiican.

Dani Alves ayaa xiliciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxdiisa Juventus oo uu ku biiray suuqii xaggaaga, markaas oo uu katagay Barcelona.

Wargayska Sport ayaa baahiyay saaka in kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Manchester United ay ku loolamayaan saxiixa Dani Alves.

Image result for Dani Alves Juventus

Qandaraaska Alves ee Juventus waxaa uga harsan kaliya hal xiliciyaareed, kooxda ayaana aqbali doonta iibkiisa hadii loo soo bandhigo lacag fiican maadama da’ahaan uu yahay mid wayn sida lagu sheegay warbixinta.

Dani Alves qudhiisa ayaa doonaya inuu sameeyo tijaabo cusub ka hor inta uusan ka bixin garoomada, wuxuuna danaynayaa ka ciyaarida Premier League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close