“Xitaa United oo taagdaran wey garaaci kartaa Arsenal”.

roy-keane_1w8erh0y5s78m12jafn1h850ca

(London) 04 Maajo 2017. Manchester United oo taagdaran xitaa wey garaaci kartaa Arsenal, sidaas waxaa qaba kabtankii hore ee Red Devils Roy Keane.

Mourinho waxa uu qiray In uu ahmiyadda siinayo Europa League-ga iyada oo aysan muuqan in afarta sare ay United ku dhameeysan karto xilli ciyaareedkan.

Kulamada afar dhamaadka Europa League ee ay United la ciyaareyso Celta Vigo waxaa u dhexeeya ciyaar Arsenal ah balse Mourinho waxa uu sheegay In uu koox daciif ah safi doono.

Keane waxa uu cadeeyey in Mourinho ku saxan yahay koobka qaaradda in uu fiiriyo maadama lagu imaanayo Champions League-ga iyada oo aan la qiimeyn halka lagaga dhameysto horyaalka.

Wayne-Rooney-and-Jose-Mourinho-640x400

“Waxey caddahay ahmiyaddiisa in ay tahay hanashada Europa League ooxaqiijineysa Champions League,” ayuu yiri Keane oo la hadlaya ITV.

“Waxaan qabaa in uu saxan yahay. Sida uu u tagay toddobaadkii hore, ahmiyadda sii ku guuleysiga koob, xaqiiqdii.”

Mar uu weydiiyey daaficii hore ee Arsenal Lee Dixon in uu Mourinho safayo koox jilicsan, Kenae shaki ma muujin.

“Hagaag, xitaa koox taagdaran wali wey wey garaaci kartaa Arsenal,” ayuu ugu jawaabay. “Wey u bareeri karaan sidaas.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close