Wenger oo xaqiijiyay in Granit Xhaka uu seegi doono kulanka Man United

(London) 04 Maayo 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in laacibkiisa Granit Xhaka uu dhaawac ku seegi doono kulanka Man United.

Granit Xhaka ayuu dhaawac ka soo gaaray kulankii Arsenal looga adkaaday 2-0 axadii hore markaas oo ay ka hortageen Tottenham.

Arsene Wenger ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Lucas Perez uu maqnaan doono laba maalmood, wuxuuna intaa ku daray in Mustafi uu dib ugu soo laabtay kooxda.

“Granit Xhaka waa uu seegi doonaa kulanka Man United, Mustafi isna waa uu ka soo caafimaaday dhaawiciisa waana taam” ayuu yiri Wenger oo ka hadlay xaalada dhaawac ee kooxdiisa ka hor kulanka axada.

“Ospina dib ayuu ugu soo laabtay tababarka isaga iyo Perez laakiin Lucas Perez wuxuu maqnaan doonaa labada maalin ee soo socota kadib jug fudud oo ka soo gaartay tababarka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close