Muller oo amaan huwiyey Ronaldo

cristianoronaldo-cropped_e2v11uzov07b1p9ruc78inypz

(Munich) 04 Maajo 2017. Xiddigga Real Madrid, Cristiano Ronaldo waa qeyrul-caadi, kartidiisa ‘MADAX DHALINTA” na waxa ay u qalantaa amaan, sidaas waxaa yiri weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller.

Ronaldo waxa ay markale sameenayaa bandhigyo cajiib ah kaddib markii uu saddexley ka dhaliyey Atletico Madrid lugtii hore ee afar dhamaadka Champions League-ga.

Muller waxa uu Cristiano uga horyimi wareegii sideed dhamaadka, shanti gool uu ka dhaliyey wiilka reer Portugal ayaa reebtay Bayern.

Germany-ga aad ayuu u amaanay Ronaldo iyo Messi waxa uuna ku sheegay kuwo dadka wax dheer.

“Caadiyan waan wada ognahay in uu qeyrul-caadi yahay, muuqaalkiisa iyo bandhigyadiisa ciyaaraha. Marka kolkii horeba cajiib ayuu ahaa,” ayuu Muller u sheegay wariyeyaasha.

“Goolal tiradaas le’eg kuma heli kartid sanado badan adiga oo aan shaqo adag sameyn.

“Waxa uu leeyahay jir aad u weyn iyo farsamo tayeysan, dabcan.

“Laakiin waxa aad ii cajibiya waxa weeyey xirfadiisa madaxeynta. Tani mararka qaar waa la’ilaawaa. Farsamo wacan ayuu leeyahay, laakiin xitaa waxa uu leeyahay farsamo madaxeed waalii ah.

“Hadii aad eegto isaga iyo Lionel Messi, labadooda heer kuwa kale ka sareeya ayey joogaan.”

Ronaldo waxa uu dhaliyey 35 gool ololahan dhamaan tartamada, isaga oo lixdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay uu 50 wax ka badan dhaliyey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close