HORDHAC: Celta Vigo Vs. Manchester United

Celta-Vigo-vs-Manchester-United-Europa-League-Semi-final-2017-First-Leg

(Madrid) 04 Maajo 2017. Manchester United waxa ay booqan doontaa Celta Vigo lugta hore ee afar dhamaadka Europa League.

United waxa ay u aragtaa tartankan rajada ugu dhaw ee ay ku imaan karto Champions League-ga kal dambe.

Maxaa  ka cusub United?

– Phil Jones, Chris Smalling, Eric Bailly iyo  Paul Pogba intaba wey ku soo laabteen tababbarka kahor kulanka caawa

-Waxaa suurtagal ahayd in Mourinho oo daafaca dhexe ku mideeyo Daley Blind iyo  Matteo Darmian balse hada waxaa u soo laabtay kuwiisii caadiga ahaa

– Marouane Fellaini waxa uu ka ganaaxan yahay kooxda labada kulan ee soo socota ee horyaalka balse filayo in uu caawa qeyb ka ciyaari kulanka Celta Vigo

-Juan Mata keydka ayuu ku jiray kulankii Swansea waana diyaar

-Luke Shaw inta ka dhiman ololahan wuu maqnaan doonaa kaddib markii uu 10kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulankii Swansea  cagta ka dhaawacmay

– David De Gea filo in uu ciyaaro

RAADRAAC

-Celta Vigo 5tii kulan ee ugu dambeeyey laga badin Europa League

-Man United 8dii kulan ee ugu dambeeyey Europa League lama garaacin

SAFAFKA LA FILI KARO

kjnj

Gegida: Municipal de Balaidos

Saacadda Geeska Africa: 10:5Pm

Dhex dhexaadiyaha: Sergei Karasev (Russia)

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close