Ronaldo oo Taariikh cusub sameeyay…(Aqri rikoodho hor leh uu sameeyay kaddib SADDEXLEYDII xalay)

crr

(Madrid) 03 Maajo 2017. Cristiano Ronaldo ayaa sii wada taariikhda uu ka sameynayo kubbada cagta adduunka kaddib saddexleydii uu xalay ka dhaliyay Atletico Madrid lugtii hore ee afar dhammaadka Champions League.

Gool madax ah ayuu ku bilaabay dheesha bilowgeedii, wuxuu raacsaday kubbad laad kulul ah dabadeedna gool ku taabo ah ayuu ku saddexeystay Ronaldo.

Haddaba saddexda gool ee Ronaldo ayaa sameeyay taariikh cusub oo wadata Rikoodho cusub.Cristiano Ronaldo scores for Real Madrid against Atletico Madrid

Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda Champions League ee dhaliyay saddexleey labo kulan oo isku xigta.

Wuxuu jabiyay rikoodhkii Alfredo di Stefano ee xiddiga ugu goolasha badan Semi final ka European Cup 11-gool oo wuxuu gaaray xalay 13-gool.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale soo bar-bareeyay rikoodhka Lionel Messi ee laacibka ugu saddexleyda badan Champions League (7 Hat tricks).

31-jirka ayaa sidoo kale noqday laacibkii ugu horreeyay ee 20-gool ka dhaliya kulamada Derby Madrid oo ay isku food saaraan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Wuxuu dhaliyay goolal ka badan Atletico Madrid tartanka Champions League 103-gool halka kooxda ka dhisan Madrid ay 100 ka dhalisay tartankan taariikhdeeda oo idil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close