“Ma joojinayno goolal dhalinta” – Marco Asensio

(Madrid) 03 Maayo 2017 Laacibka kooxda Real Madrid ee Marco Asensio ayaa ka hadlay guushii xalay kooxdiisu ay ka gaartay kooxda Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa 3-0 uga adkaatay kooxda macalin Simeone oo ay ka qaadeen koobkaan sanadihii 2014 iyo 2016 oo ay isku arkeen Final-ka.

Marco Asensio ayaa sheegay in kooxdiisu aysan marnaba joojinayn goolal dhalinta, wuxuuna intaa ku daray in kooxdiisu ay doonayso inay dhaliso goolal badan kulamada soo socda.

أسينسيو: لن نتوقف عن تسجيل الأهداف

“Waxaan soo muujinay kulan wayn bilowgii ilaa dhamaadkii, natiijadu kama turjumayso wixii ka dhacay garoonka, waan ognahay in natiijadaan ay noo wanaagsantahay” ayuu yiri Marco Asensio.

“Kadib goolkii hore waxaan doonaynay goolal badan, waana helnay, marwalba waxaan doonaa goolal badan, haatana waxaan u baahanahay kulamada soo socda”.

“Ma joojin doono goolal dhalinta” ayuu ku soo gabagabeeyay 21 jirka reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close