Garsoorayaal da’yar oo  siminaar loogu furay Muqdisho+ SAWIRRO

IMG_3168

(Muqdisho) 03 Maajo 2017Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Siminaar heerkiisu sareeyo kaasoo sare loogu qaadayo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Siminaarkaan ayaa waxaa bixinayay Calı Sacııd   oo ah madaxa waxbarasshada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ahna macallinka ka tirsan FIFA.

Waxaa goobta laga jeediyay qudbado kala duwan oo lagu dhiiro gelinayao garosoorayaasha da’da yar ee loo qabtay Siminaarka.

Cismaan Jaamac Diraac oo ah guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay tirada garsoorayaasha ee loo qabtay aqoon kororsigaan isagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan 36 garsoore oo ka kala yimid gobolada dalka, waxa uuna  carabka ku dhuftay in Siminaarkaan uu yahay kii labaad ee ugu yimid xiriirka FIFA.

Macallinka aqoon kororsiga  bixinayay ee Calı Sacııd  ayaa sheegay in simaarka uu billaawday shalay uuna ku eg yahay  lixda bishaan, waxa uuna u mahad celiyay xiriirka SFF oo waqti galiyay in ay isku keenaan garsoorayaal da’yar oo qaarkood ka yimid  gobolada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Shiine ayaa u mahad celiyay macalimiinta waqtiga galinaya in ay soo saaraan garsoorayaal cusub, isagoo ugu dambeyn furay Siminaarkii ay ka qeyb qaadanyeen 36 garsoore.

IMG_2352 IMG_2355  IMG_2385 IMG_2395  IMG_3034 IMG_3045 IMG_3054 IMG_3066 IMG_3077 IMG_3116 IMG_3133 IMG_3149 IMG_3161 IMG_3168 IMG_3208 IMG_3230 IMG_3232

SAWIR QAADE: Xuseen Hadaafoow

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close