Diego Simeone oo qaba inaysan kooxdiisu harin iyo Zidane oo aaminsan inaysan weli u gudbin Final ka Champions League

zz

(Madrid) 03 Maajo 2017. Real Madrid ayaa xalay guul raaxo leh garoonkeeda uga gaartay Atletico Madrid kulankii Derby Madrid ee lugta hore ee afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay ku suul daartay 3-0.

Ronaldo ayaa xalay ahaa wiilka gaaroonka kaddib markii uu dhaliyay saddexda gool ay kooxdiisu ku adkaatay.

Macallinka geesiga ah ee Atletico Madrid Diego Simeone ayaa qaba insaysan kooxdiisu weli harin isla markaana ay u harsan tahay lug labaad oo ay ku ciyaari doonaan garoonkooda.

Diego Simeone

Ciyaartii xalay kaddib ayuu macallinka reer Argentina saxaafada u sheegay sidan:

“Ma aaminsani inaysan suuro gal ahayn inaan soo baxno.

“Waxaynu heysanaa lugta labaad waxaana ku leeyahay ciyaartoydeeda iyo taageerayaasha, Haa waynu awoodnaa.”.

Zidane shouts the orders as his side protest a slender 1-0 lead on their home turf

Dhanka kale Zidane ayaa isna muujiyay inaysan Real Madrid weli xaqiiqsan booskeeda Final ka Champions League.

“Si fiican ayaan u diyaarinay kulankeena, 3-0 waxay ka fal celineysaa wacnaanshaheena iyo heerka bandhigeena.

“Yeelkeede, Waan ognahay inay imaaneyso lugta labaad. Waana inaan si adag u dagaalanaa maxaa yeelay waan ku dhibtoon doonaa halkaas shaki la’aan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close